Header AD

Noqo qof jaadgoonni ah

 

NOQO QOF JAADGOONNI AH




Maxay labad qofi gole ugu wada hadlaan, kaddibna uu wadasheekaysigoodu ugu soo dhammaadaa muran, halka ay laba kale ay wada sheekaystaan, wadahadalkoodaasina uu ugu soo dhammaadaa degganaan iyo raallinoqosho?  waa xirfadaha wadahadalka.

Maxay laba qof u soo jeediyaan isla hal khudbo oo isku erayo ah, waxa aad arkaysaa kuwa soo xaaddiray midka hore ay isugu jiraan qaar hamaansanaya iyo kuwo hurdoonaya, ama mid ku ciyaaraya roogga masaajidka, iyo mid dhawr goor beddelaya fadhigiisa. Halka kuwa soo xaaddiray ka labaadi ay yihiin dad dhiifoon oo firfircoon, aanay indhahoodu libiqsanayn, qalbigooduna aanu meel kale u weecanayn?

waa xirfadaha waxsoojeedinta.

Maxay tahay sababta marka hebel uu golaha ka gadlo ay dadku u dhegeystaan, indhohoodu u fiiriyaan, halka haddii mid kale hadlo ay dadka fadhiyaa ku mashquulaan sheekooyin dhinacyada ka socda, ama in ay akhriyaan farriimaha taleefannadooda gacanta? waa xirfadaha hadalka.

Maxay tahay sababta haddii uu macallin socdo jidadka iskoolkiisa aad u arkayso iyada oo ardaydu ku soo xoomayso, kani uu gacanqaadayo, kaasina uu la tashanayo, mid saddexaadna uu u soo bandhiganayo dhibtiisa, haddii uu fadhiisto xafiiskiisa oo uu ardayda u oggolaado in ay u soo galaanna, qolkiisu uu daqiiqado ku buuxsami lahaa. Qof kastaa waxa uu jecelyahay la fadhigiisa.

Halka macallin ama macallimiin kale uu midkood dhex socanayo iskoolka keligii, masaajidka iskuulkana keligii ayuu ka soo baxayaa, ma jiro arday faraxsan oo u soo dhawaanayaa misana gacanqaadaya, ama shakisan oo la tashanayaa, haddii uu furo xafiiskiisana, laga soo bilaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacayso, maalin iyo habeen oo dhan, ma jiro qof u soo dhawaanayaa oo jeclaysanaya la fadhigiisu.

Maxay tahay sababtu?   Waa xirfadaha dad-la-dhaqanka.

Maxay tahay sababta haddii uu qofi soo galo gole guud ay dadku ugu dhoollacaddaynayaan wejigana ugu furayaan, ayna ugu farxaan la kulankiisa, qof kastaana uu u jeclaadaa in uu fadhiisto dhinaciisa. Halka mid kale uu soo galayo, oo ay dadku u gacanqaadayaan si qabow- oo iska caado ama iska-yeel-yeel ah-, kaddibna uu jeesanayo isaga oo raadinaya meel uu fadhiisto, markaa aanu jirin cid meel u bannaynaysa iyo qof u yeedhaya si uu dhiniciisa u fadhiisto. Maxay tahay sababtu?

Waa xirfadaha soo jiidashada qalbiyada iyo saamaynta dadka.

Maxay tahay sababta marka uu aabbe soo galo gurigiisa ay carruurtiisu u dhoollacaddeeyaan, ayna kala hor tagaan farxad, halka mid labaadi uu u soo galo ubadkiisa, markaa aysanba milicsanayn? Waa xirfadaha la tacaamulka ubadka.

Dadku waxa ay ku kala duwanyihiin awoodohooda iyo xirfadohooda la tacaamulka dadka kale, taas waxa raacda kuwa kale waxa ay ku kala duwanyihiin habka soo dhawaynta iyo la dhaqanka iyo saamaynta dadka, kasbashada jacaylkooduna waa ay ka fududdahay sida aad u malaynayso!

Ku xeeldhaaraan maayo taas, marar door ah ayaan tijaabiyay, waxa aanna ogaaday in qalbiyada dadka badankooda ay suurtagal tahay in la ugaadhsado iyada oo loo marayo habab iyo xirfado fudud, shardi keli ah ayaa jira, waa in aan aamminnaa sidaas kuna tababarannaa, si fiicanna u sugnaa.

Dadku waxa ay ku saamoobaan habka aynu u dhaqanno xitaa innaga oo aan dareensanayn.

Waxa aan imaamnimada iyo khadiibnimada jaamica kulliyad ciidan hayaa muddo 13 sano ah. Waddada masaajidka aan u sii maro waxa ay sii mari jirtay albaab uu taaganyahay askari waardiye ahi, kaas oo qaabbilsan albaabka furistiisa iyo xidhistiisa. Waxa aan ku dadaali jiray markii aan soo maro in aan u dhoollacaddeeyo, waxa aan u taagi jiray gacanta salaan ahaan, aniga oo u dhoollacaddayna si muuqata, salaadda kaddibna gaadhigayga ayaan dib ugu soo noqon jiray, dhanka gurigayga. Inta badanna taleefankayga gacanta waxaa buux-dhaafin jiray wicitaanno iyo farriimo qoran oo soo dhacay intii aan salaadda ku jirnay. Waxa aan ku mashquuli jiray akhrinta farriimaha, waardiyuhuna waxa uu furi jiray albaabka, waan gudbi jiray iyada oo indhahaygu ku maqanyihiin taleefanka, dhoollacaddayntana waan hilmaami jiray. Ilaa ay maalin keddiso igu noqotay markii uu I istaajiyay anoo soo baxaya, waxa uuna yidhi: sheekhoow, miyaad iga xanaaqsan tahay?! Waxa aan ku idhi: sababna? Waxa uu yidhi: maxaa yeelay, marka aad soo galayso adiga oo dhoollacaddaynaya oo faraxsan ayaad I salaantaa, balse marka aad soo baxayso mana dhoollacaddaynaysid mana faraxsanid! Waxa uu ahaa nin iskacaadi ah. Waxa uu iigu dhaartay in uu I jecelyahay, uuna ku farxo aragtidayda, waan u cudur-daartay, waana u caddeeyay sababta aan ku mashquulo.

Waxa aan ku baraarugay in xirfadahani marka aynu ka caado yeelanno ayba ka mid noqonayaan dabeecaddeenna, oo ay dadku dareemayaan marka aynu hilmaanno.


Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Post ADS 1

Breaking Posts

Post ADS 2