QAACIDADA
18-40-60
Qaacidadan waxaa buuggiisa mabaadi’da guusha ku
sheegay Jack Canfield. Qaacidadani si
kooban waxa ay ka warramaysaa arrin aad muhiim u ah, taas oo ah marka aad ku
jirto da’da siddeed-iyo-toban jir waxa aad danaysaa oo macna weyn kuu sameeya
ra’yiga dadka kale, waxa aad u dheg-raaricisaa waxa ay kaa leeyihiin, waxa
aadna ka welweshaa dareen noocee ah ayay dadku kaa qabaan.
Marka aad
gaadho da’da afartan jirna gebi ahaanba ma danaynaysid waxa ay dadku kaa
leeyihiin, ra’yiga ay kaa qaadanayaanna miisaan kuuguma fahiyo, ammaantooda iyo
dhaliishooda toona wax weyn kugu biirin mayso. Balse marka aad gaadho da’da
lixdan, waxa aad ogaanaysaa xaqiiqo anfariir leh, taas oo ah, maba jiro
noloshan cid kuu danaynaysay heerka aad weligaa u malayn jirtay in ay arrintu
gaadhsiisan tahay.
Sidaas awgeed, ha sugin dadku waxa ay ku odhanayaan, same
waxa ay waajibka tahay in aad samayso, mowqifkaaga nololeedna muraajacee,
kaddibna geeddiga horay u wad, iska illow kuwa ku xagxaganaya, ku dhaliilaya,
si yasmo lehna farta kuugu soo fiiqaya. Waa sax, dhaliishoodu haddii ay sax
tahay qaado oo ka faa’iidayso, balse ha u oggolaan in ay dhabarka kaa fuulaan “qofna
ma awoodo in uu dhabarkaaga fuulo, ilaa in aad u foorarsato mooyee.” –Marthin
Luther
Haddii aad leedahay han sare aadna rabto in aad figta
gaadho, waayi maysid dhalleecayn iyo wax-ka-sheeg, ogsoonow badanaa dadka wax
laga sheego waa dadka tayada leh, ee ka soo dhex mudho bulshooyinkooda. Haddii aad
rabto in aan lagu dhaliilin oo lagu dhalleecayn, waxba ha odhan, waxba ha
samayn, waxbana ha noqon ee gurigaaga iska joog.
Imaamu Qazaali ayaa laga sheegay: “aniga iyo dadka
maxaa na kala galay. Caloosha hooyaday keligey ayaa ku jiray, dunida keligey
ayaa u soo baxay, keligey ayaa dhiman doona, keligey ayaa qabriga la gelin
doonaa, qabrigayga keligey ayaa laga soo saari doonaa, keligeyna waa la I xisaabin
doonaa, maxaa na kala galay aniga iyo dadka.”
WQ: Cabdikariin Maxye
Post a Comment