Toddobada
Caado ee dadka waxtarka leh
Buugga 7 habits of highly effective people,
waxaa qoray Stephen Covey, waana buug ka mid buugaagta loogu iibsiga badanyahay
adduunka, dhanka horumarinta shakhsiga ahna foolaadka u ah.
Waa kuwan toddobada caado:
1. Be proactive: caadada koowaadi waxa ay gudbinaysaa
farriin ah qaado masuuliyadda noloshaada. Dadka proactive-ka ahi waa dad
aqoonsan in ay masuuliyiin yihiin. Ma
dhaliilaan oo dhalleeceeyaan caqabadaha, xaaladaha iyo waxyaalaha kale. Dhanka
kale qoraagu waxa uu xusayaa dad uu ku magacaabay Reactive. Noocan dambe ee
dadka ah ee uu qoraagu xusay, waa dad badanaa raadiya ilo bannaanka ah si ay
ugu dhalleeceeyaan hawsha ay gabeen. Dadka proactive-ka ahi waxa ay adeegsadaan
erayo ay ka mid yihiin: waan samayn karaa, waan samayn doonaa, waan danaynayaa
in aan sameeyo. Halka kuwa reactive-ku ay adeegsadaan erayo ay ka mid yihiin:
ma samayn karo, haddii sidaas …ay dhacdo iqk.
Dadka proactive-ku waxa ay diiradda saaraan hawlaha ay
wax ka qaban karaan sida; caafimaadkooda, ubadkooda, iyo caqabadaha ka jira
shaqadooda. Halka dadka reactive-ku ay isku dhibaan wax ka qabashada hawlo
awooddooda ka baxsan sida; cimilada, argagixisa-la-dirika, daymaha dowladda
lagu leeyahay iqk.
2. Begin with the end in mind: caadada labaadi
waxa uu qoraagu leeyahay: bilow adiga oo dhammaadka maskaxda ku haya. Caadadani
waxa ay tilmaamaysaa khayaal-sawirashada- awoodda in aad maskaxda ku sawirato
wax aadan taaganta indhahaaga ku arki karin. Waxa uu salka ku hayaa mabda’a
odhanayaa ashyaa’da laba jeer ayaa la abuuraa. Ta koowaad waa abuurid maskaxda
ah, ta labaad ee muuqatana tii maskaxda ayay raacdaa, waa sida dhisme nashqad
markii hore loo sameeyay kaddibna dhismihii la taagay.
3. Put first things first: caadadani waxa ay
sheegaysaa in aad noqoto qof mabda’ hago. Caadadan saddexaadi waa hawlqabadka
i-tus-oo-i-taabsiida ah ee caadadii koowaad iyo tii labaad. Caadada koowaadi
waxa ay lahayd: adiga ayaa abuuranaya, adiga ayaana masuul ah. Caadada labaadna
waxa ay leedahay: waa in maanka lagu abuuraa, taas oo uu khayaalku sal u
yahay-awoodda in aad sawiran karto qofka aad rabto in aad mustaqbalka noqoto.
Caadadan saddexaadi waa meesha ay iskala falgalayaan
caadadii koowaad iyo tii labaad. In aad siiso waxa mudnaanta koowaad leh
mudnaantiisa, shayba shayga uu ka mudanyahayna laga horraysiiyo, haddii aad
sidaas samayso waxa aad la timid naf-maamulid, abaabulnaan iyo maarayn waqti.
4. Think win-win: caadada afraadi waa mabda’
odhanaya “aan wada guulaysanno.” In badan oo innaga mid ahi guusha waxa ay u arkaan
tartan lala galo cid kale iyo in cid kale la isbarbardhigo. Guushoodaba waxa ay
u maleeyaan in ay tahay guuldarrada qof kale; haddii aan guulaysto adiguna waa
in aad guuldarraysato, haddii aad guulaysato anna waan guuldarraysan. Xeerka
win-win waxa uu nolosha u arkaa iskaashi iyo isgacanqabad ee uma arko loollan mudac-mudac-ku-taag
ah. Waxa uu leeyahay mabda’ani aan wada guulaysanno dhammaanteen. Mabda’ani
keliya keensan maayo in aad dadka kale u damqato, balse waxaa kale oo uu kaa
dhigayaa mid isku kalsoon.
5. Seek first to understand, then to be understood: wada-xidhiidhku
waa xirfadda ugu muhiimsan nolosha. Bal u fiirso sannado badan ayay kaa
qaadatay in aad barato akhriska, qoraalka iyo hadalka. Bal isaga dhegeysiga ka
warran? Weli wax tababar ah ma u qaadatay ama buug ma ka akhriday si aad wax u
dhegeysato aadna banii Aaadanka si qoto-dheer ugu fahanto? Waxa ay u badan
tahay maya. Sida dadka badankooda waxa aad rabtaa in lagu fahmo, oo isla
judhaaba ujeeddadaada la garto. Marka la soo koobo, waxa uu qoraagu leeyahay,
maxaa keenay in qof ku dhegeysanaya haddana uusan sidii la rabay kuu fahmin?
Waxa uu ku jawaabayaa in dadka badankoodu ay wax u dhegeystaan si ay ugu
jawaabaan qofkaas, balse uma dhegeystaan si ay u fahmaan. Fahan dadka si laguu
fahmo.
6. Synergize: caadada lixaaad waxa ay leedahay:
“laba madax ayaa ka wanaagsan hal madax.” Waa iskaashi curin leh. Waa la
shaqaynta koox, waa maskax-furnaanta, iyo xiisaynta in xal loo helo
dhibaatooyin hore. Waa hab ay dadku khibradohooda kala duwan miis isugu
keenayaan si ay arrintaas u xalliyaan. Wadajirkaas waxa ay ku gaadhi karaan
kooxdaasi wax aysan keli ku qabteen ama mid-mid ugu suurogasheen.
7. Sharpen the saw: caadadan toddobaadi waxa ay
tilmaamaysaa in aad ilaashato oo kobciso hantida ugu weyn ee aad haysato. Taas
macneheedu waxa weeye in aad leedahay barnaamij isu dheellitiran oo
cusboonaysiin-nafeed ah, tan oo aad ku samaynayso afarta dhinac ee noloshaada
ugu muhiimsan: jidhka, dhinaca bulsho, dhinaca maskaxeed iyo dhinaca ruuxeed.
Afartaas dhinac marka aad si joogto ah u cusboonaysiiso, waxa aad isbeddel iyo
koboc ku samaysay noloshaada. In aad afaysato miishaartaadu, waxa ay kaa
dhigaysaa mid heegan u ah si uu u hirgeliyo lixda caado ee kale. Waxa aad kor u
qaadaysaa awooddaada waxsoosaarineed, waxa aadna ka tallaabaysaa caqabadaha
kugu hareeraysan. Haddii aadan cusboonaysiintan la iman, jidhku waa uu tabar
darraynayaa. Iscusboonaysiin joogto ku same noloshaada.
soo koobidda: Cabdikariin Maxye
Post a Comment