Header AD

Xeerka 80/20

                                            



 




Xeerka 80/20

Xeerka 80/20 waa midka ugu waxtarka badan dhammaan aragtiyaha ku saabsan waqtiga iyo maaraynta nafta. Waxa kale oo loogu yeedhaa “xeerka Pareto.” Kaddib markii dhaqaalahayankii Talyaaniga ee Vilfredo Pareto, kaas oo qiyaastii markii ugu horraysay qoray xeerkan 1895-tii. Pareto waxa uu ogaaday in 80% dhulka waddankiisa ay iska leeyihiin 20% kamid ah dadka. Pareto waxa uu ogaaday in dadweynaha bulshadiisu ay dabiici ahaan ay u qaybsadaan tiro yar oo uu ugu yeedhay “tiro yar oo firfircoon”, waana 20% ugu sarreeya dhinacyada lacagta iyo saamayntaba, iyo “inta badan ee aan muhiimadda badan lahayn” waxa ayna ka dhiganyihiin 80%.

     Waxa uu mar dambe daahqaaday in sida caadiga ah waxqabadyada dhaqaale ay ku tiirsanyihiin mabda’an. Tusaale ahaan; mabda’ani waxa uu leeyahay 20% kamid ah hawlahaaga ayaa keenaya 80% kamid ah natiijooyinkaaga. 20% kamid ah macaamiishaada ayaa sameeya wax u dhigma 80% iibkaaga. 20% badeecadahaaga/adeegyadaada ayaa soo xareeya faa’iido u dhiganta 80%. 20% kamid ah shaqooyinkaaga ayaa leh qiimaha waxa aad qabato, sidaas ku wad.

Tan macneheedu waxa weeye, haddii aad leedahay liis ka kooban toban shay oo aad rabto in aad qabato, laba shay oo kamid ah tobankaas ayaa leh qiime aad uga badan siddeeda arrimood ee kale oo la isku daray.

    Halkan waxa yaalla daahqaad xiiso leh, hal shaqo kuwa liiska kuugu qoran ayaa ka qiima badan sagaalka kale oo la isku daray.

Dadka badankoodu waxa ay ka wahsadaan qabashada hawlaha 20% ah ee raadka iyo saamyaynta weyn ku reebaya mustaqbalkooda dhaw iyo ka fogba, taas beddelkeeda waxa ay nafta ku mashquuliyaan 80% shaqooyinka aan muhiimka ahayn.

Weydii naftaada shaqadani ma shaqadani ma ta 20% ahbaa mise waa kuwa hoose ee 80% ah?


Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Post ADS 1

Breaking Posts

Post ADS 2