Sirta
u qabashada hawlo yaryar si weyn
Rasuulka (NNKHA) waxa uu leeyahay Xaddiis macnihiisu
yahay: Alle hawlaha la qabto waxa uu ugu jecelyahay kuwa la joogteeyo haba
yaraadeene. Taasi waa sir weyn oo farta inoogu fiiqaysa in haddii aynu hawl u
qabano si joogto ah ay ugu dambayn dhalanayaan natiijooyin lala amakaago!
Haddii aan
akhriska tusaale ugu soo qaadanno, bal ka warran muddo sannad ah haddii aad maalin
walba akhrido 10 warqadood.? 10 ku dhufo 30 maalmood, waa 300 oo bog bishii.
300×12
bilood=3600 oo bog. Cajiib! 10 bog waqti intee le’eg ayay maalinkii innaga
qaadan karysaa? Aan badinno oo dhahno soddon daqiiqo. Bal sawiro mowduuca aad
3600 oo bog ka akhrido heerkee ayaad ka joogi kartaa? Waxa aad majaalkaas ku
noqon karaysaa khabiir, adiga ayaana wax lagaa weydiin doonaa.
Tusaale kale, Quraanka haddii aad maalintii qaybto 5
aayadood, intee ayaad aayadood ayaad bishii iyo sannadkii qaybi kartaa? 5×30=150
aayadood ayaad bishii qaybtay. Bal ka warran sannadkiina, 12×150=1800
oo aayadood ayaad sannadkii qaybtay. Tirada aayadaha Quraanku waa 6236
aayadood, iyada oo ay jiraan aragtiyo kale oo ku saabsan tirada aayadaha
Quraaka. Waxa ay ka dhigan tahay in aad
Quraanka ku xifdiyo karto saddex sano iyo dhawr bilood. Hadda maalintii waxa
aynu qaybnay 5 aayadood, shan aayadood ma waqti badan ayay qaadanaysaa in la
qaybo? Adiga ayaan kuu dhaafayaa jawaabtaada, iyo inta ay kaa qaadan karto.
Tusaalayaal kale
miyaad u baahan tahay? Intaasi waa iftiimin e adiga ayay tahay in aadan
yaraysan hawlna. Fikrad weyn iyo arrin weyn dooro, maalinba qurub gooso,
maalinba waax la fuq, ugu dambayn adiga oo figta sare ka jooga ayaad arki
doontaa idamba Eebbe. Sirtu waa maxay? Sirtu waa joogtaynta. Ma jiro wax lamid
ah joogtaynta hawl muhiim ah qabashadeeda. “Joogtee weligaa, ma jirto
dunidan wax geli kara boooska joogtaynta e. mawhibada keligeed innaguma filna,
garaadbadnaanta keligeedna innaguma filna, waxbarasho keligeedna innaguma filna,
balse joogtaynta iyo go’aanka ayaa awooda in ay sameeyaan wax kasta.” – Ray
Kroc
Bilaw, wad, baaqashada hawshaada ee maalin iyo laba oo
ay culaysyada noloshu ku hor istaageen yaanay naftu kuu sheegin in aad hawshaa
ku guuldarraysatay, adigu ma tihid mishiin e, Aadame ayaad tahay, waad kufi oo
kici, laakiin ha sii fadhin. Rag waa kii kufa, ee kaca, kabma ee kaalintii
gala.
Tooruhu wuxuu kugu ridaa, tubaha
waaweyne
Tallaabada yar baa lagu bartaa, tawda
booddada e - Dhoodaan
W/Q: Cabdikariin Maxye
Post a Comment