Salaadda
iyo isbeddelka nolosha
Salaaddu
waa tiir kamid ah tiirarka islaamka, waana tiirka labaad. Miisaanka ay leedahay
waxa ina tusinaya in ay tahay tiirka labaad marka laga yimaaddo
Ashahaadataynka. Hadda u fiirso waa irridda labaad marka laga soo tiriyo in
qofku Eebbe rumeeyo. Salaadda, maanta/caawa isoogala hadli maynno qaab
muxaadiro ah, oo ayu waajibnimadeeda, fadligeeda, qofka ka taga iyo ciqaabta
loo yaboohay iyo arrimo lamid ah ka hadlaynno, waxa aynu ka istaagaynaa
dhankaas iyo xidhiidhka ka dhexeeya salaadda iyo isbeddelka nolosha ruuxa
Muslinka ah.
“إن الله لا يغيّر ما بقومٍ
حتى يغيروا ما بأنفسهم” [الرعد:11
Eebbe waxa
uu leeyahay: Alle ma beddelo qolo ilaa ay nafohooda beddelaan. Qofka raba in uu
ummad beddelo ugu horrayn waa in uu isagu isbeddelaa, qofka raba in uu
isbeddelana waa in uu salaaddiisa dib ugu noqdaa. Qofka raba in uu isbeddelo
waxa uu u baahanyahay awood iyo tamar uu isku beddelo, mana jirto awood lamid
ah ta lagu helo la xidhiidhka adag ee Alle.
Aynu iska
illowno oo ka tanaasulno dhaqanka odhanaya: salaad baan iska ridayaa, aanna
qaadanno dhaqankii Rasuulka ee uu Bilaal ku odhan jiray: Bilaalow noogu raaxee
salaadda. Haddii aad waajibnimadeeda uun iska riddo miyay la dhadhan iyo waxtar
noqonaysa qof tiisa ku raaxaystay, khushuucay, kuna taddaburay Quraanka?
Marka uu
Alle leeyahay:
“قَدْ أَفْلَحَ الْمُؤْمِنُون* الَّذِينَ هُمْ فِي صَلاتِهِمْ
خَاشِعُونَ”
Xaqiiqdii
Mu’miniintu waa ay guulaysteen, kuwaas oo ku khushuuca salaaddooda. salaadda
keensanaysa guushu waa mid lagu khushuucay, laguna taddubaray Quraanka. Oo miyaad
garanaysaa guul ka weyn in qofi Naar ka badbaado Jannana galo?!
Salaadda
inta aan la gelin Aadaan ayaa ka horreeya, weli ma dhadhansatay mana ku
fekertay macnaha: حي على الصلاة حي على
الفلاح, macnaha ku duugani waxa uu yahay marka aad salaadda u
timaaddaan, si sax ahna u gudataan ayaad helaysaan guusha aad rabtaan. Haddaba
waa su’aal e: sidee ayaa uu u guulaysan karaa qof aan ajiibin Aadaanku, lana
iman salaaddii lagu waajib yeelay?!
Jasaakalaah Ustaad.
ReplyDeleteأللهم اهدنا الصراط المستقيم.
Dhammaanteenba ustaad
DeletePost a Comment