Qorshahan
waxaa fuliyay oo dhaqangeliyay in badan oo hantiilayaal iyo mulkiilayaal
shirkado waaweyn. Haddii aad barato oo fulisana wax weyn ayuu noloshaada ku soo
biirin doonaa.
Sheekada
waxaa inoo soo tebinaya Maxamed Naxiit oo ah nin dhallinyaro ah oo Yuutuubar ah
oo Sucuudiga u dhashay. Waxa uu ina leeyahay sidan: “maalin ayaan safar
diyaaradeed ugu baxay waddan kale. Diyaaradda waxa aan ka fadhiistay kuraasta
hore. Dhinacayga waxaa fadhiyay rag aan da’dooda kuu qiyaasay 55-65 jir. Raggaas
nin cajiib ah ayaa ku jira. Nin hadal wanaagsan, bulshey ah lana qoslaya
shaqaalaha. Waa nin aysan da’diisu yarayn, balse, way ka muuqataa in uu yahay
nin caafimaadkiisu wanaagsan yahay, uu yahay nin jimicsi sameeya oo firfircoon.
Sheekada ayaanu isla helnay, ka dib markaan arkay in ninkani uusan caadi ahayn,
ayaan magacayga u sheegay.
Waxa ii dhegeysanaye si ixtiraam leh.
Markaan dhammeeyay ayuu igu yidhi: “walaalow waan la dhacay sheekadaada, waxa
aad I xasuusisay dhallinyarannimadaydii. Waxa aan ka codsaday in uu isu kay
sheego. Waa uu isu kay sheegay, waxa uu yidhi: qofka kula fadhiya waa hebel
hebel. Waxa aan ahay nin mansab bulshada ku dhex leh, balse hadda shaqajoojin
sameeyay. Waxa aan ku idhi: goorma ayaad shaqada ka fadhiisatay? Waxa uu yidhi:
waxa aan booskan ka fadhiistay iyada oo ayy da’daydu tahay 50 jir. Waxa aan
weydiiyay: waa maxay sababta aad da’dan shaqada uga fadhiisatay, sababta oo ah,
booskani waxa uu kuu oggalaanayaa in aad muddo dheer sii shaqayn karto e? Waxa
uu igu yidhi: waad saxan tahay, balse markii aan jiray 26 sano, waxa aan sii
qorshaystay in aan shaqadan ka fadhiisto, marka ay da’daydu gaadho 50 jir. Waxa
aan lahaa qorshe lagu magacaabo “qorshaha kontonka.” Hagaag, waayahaye
muxuu yahay qorshahani?
“Markii aan
jiray 25 jir waxa aan bartay qorshe la dhaho ‘qorshaha kontonka.’ Qorshahani
waxa uu ku farayaa in aad diiradda saarto dhallinyarannimadaada, weliba
diiradsaaryo miisaaman. Xilliga shaqada, halganka iyo waxbixintu waa in uu ka
badanyhay waqtiga raaxada iyo ku tamashlaynta waxa aad jeceshahay, raaxadaas
badankeedana waxa aad u dibdhiganaysaa wixii ka dambeeya da’da kontonka. Waxa
aad ka bilaabaysaa waxyaalaha asaasiyaadka u ah noloshaada, xaqeedana waad
siin, waxa aadna ku mashquulaysaa waxyaalaha raandhiiska leh ee u hadhaya
naftaada, ciyaalkaaga iyo faracaaga dambe. Taas ayaana kuu oggolaanaysa in aad
ku raaxaysato noloshaada 50 jirka ka dib, saacad kasta oo kamid ah
dhallinyarannimadaadana aad ku maalgashato dadaal iyo shaqo ilaa aad ka
gaadhayso 50 jirka. Marka aad gaadho kontonna waxa aad joojinaysaa wax kasta oo
aad qabanayso. Noloshaada ayaad ugu raaxaysanaysaa uguna noolaanaysaa si
qumman.
Waxa uu
yidhi: waxa aan ku shaqeeyaa dhawr majaal, waxa aanna filayaa in ay marinnadani
adigana wax ku tari doonaan.
Ta
koowaad: waa mid
shaqaalannimo. Waxa aan go’aansaday in aan ka shaqeeyo shaqo lacagta hawlgabka
loogu talagalay ay ii qalanto iguna filnaan karto marka la gaadho hawlgabkayga.
Ta
labaad: hanti ahaan
ayaan naftayda ammaan ugu samaynayaa, aniga oo u sii maraya qodobka koowaad.
Taas macneheedu waxa uu yahay, waxa aan kaydsanayaa mushaharkayga, qayb isaga
kamid ah ayaana maalgashi ku samaynayaa. Maalgashiyadan ayaa sii ballaadhinayaa
ilaa ay ka weynaadaan 25-ka sano ee soo socda. Marka aan konton gaadho (Eebbe
idankii) waxa aan ahay nin maalgashtay waxyaalo sii jiraya sida guryaha iyo
saamiyada waqtiga dheer.
Ta
saddexaad:
noloshaada waxa aad ku dhammaysanaysaa xaalad bulsho oo wanaagsan, kaas oo ah
in aad guursato, ubad wanaagsan soo kordhiso (Eebbe idankii), aadna bulsho iyo
xidhiidho tayo leh abuurato. Taas waxa aan bilaabay markii aan qorshahan
dejistay. Markii aan 26 sano ayaan guursaday, ubad ayaan dhalay, noloshayda
bulshana waxa ay noqotay mid wanaagsan.
Waxa aan
weydiiyay: maxaa ku xigey intaas? Waxaa ku xigay in aan maalgashtay ubadkayga.
Waxa aan ku idhi: sidee ayaad u maalgashatay? Waxa uu yidhi: waxa aan ku
dadaalay tarbiyaddooda iyo waxbaristooda. Maaddaama oo marka aan 50 gaadho aan
shaqada joojinayo waa in ay iga maarmi karaan. Waa in mid kastaa abuurtaa
habnololeedkiisa u gaarka ah saxdana ah, dhammeeyaa ilaa waxbarashadiisa/deeda
sare. Ka shaqeeyaa shaqo wanaagsan, awoodaa in uu mustaqbalkiisa badbaadsado,
awoodaa in uu iibsado gurigiisa u gaarka ah, guursan karo/rto, hawlihiisa oo
dhanna qabsan karo isaga oo aan waxba iiga baahan.
Waxa aan
weydiiyay: maxaa ku xiga? Waxaa ku xiga, inta aan ka gaadhayo da’da 50-ka,
naftayda ayaan ku maalgashanayay wax kasta oo aan awoodo. Waxa aan ku idhi:
sidee ayaad naftaada u maalgashanaysay? Waxa uu yidhi: waxaa suuragal ah in
maalgashigayga shaqadu uu fashilmo, sidaas oo kale, waxaa suurtagal ah in
maalgashigayga hantida maguurtada ah uu fashilmo, sidaas oo kalana ay saamiyada
ku timaaddo, balse maalgashiga naftaydu ma fashilmayo, waana uu jirayaa inta
aan noolahay. Waxa macquula in marka aan gaadho 50-ka aanu guulaysan
qorshahaygu, xilligaas maalgashiga naftayda ayaa ii oggolaanaya in aan
guulaysto. Waxa aan qaadanaye koorsooyin, waxa aan baranaye luuqado, waxa aanna
samaysanaye xidhiidho bulsho oo waxtar leh. Majaal walba koorso ayaan ka
qaadanayaa, khibradna waan korodhsan, meelo kala duwan ayaan si bilaash ah uga
shaqayn si aan waayo-aragnimo uga korodhsado. Waxa aan bartay xirfado badan oo
aan u baahanayo noloshayda.
Waxa aan ku
idhi: ila tali si aan u fuliyo qorshahaaga oo kale, maxay se yihiin waxyaalaha
ugu muhiimsan ee ay tahay in aan sameeyo? Waxa uu igu yidhi: weedha ugu
muhiimsan ee aan ku odhan lahaa waa: maalgasho dhallinyarannimadaada.
Waayahay, aan maalgashto dhallinyarannimadaydee, maxay yihiin waxyaalaha ugu
muhiimsan ee ay tahay in aan qabto? Waxa uu igu yidhi: waxa ugu muhiimsani waa:
nidaami waqtigaaga. Marka aad aroortii soo toosto waa in aad taqaannaa
waxa aad qabanayso maalintaas. Waqtigaagu ha nidaamsanaado.
Haye maxaa
xiga? Waxa uu yidhi: si aad waqtigaaga u nidaamiso waa in aad ka dheeraata wax
kasta oo waqtigaaga luminaya oo aan qiima lahayn, kana dheeraw qof kasta oo
waqtigaaga kaa luminaya. Xaddid yoolashaada, qof hadaf cad oo muuqda leh iyo
mid aan lahayn ma sinna. Waxa aan ku idhi: haye maxaa xiga? Waxa uu yidhi:
maaddaama oo aad hadafyo dejisatay, qorshee sidii aad ku gaadhi lahayd
yoolashan. Waxa aan ku idhi: maxaa ku xiga? Waxa uu yidhi: waa in aad isu
dheellitirto xilliga shaqada iyo xilliga nasashada. Noloshaada oo dhan yay noqon
shaqo iyo orod, sidaas si lamid ah noloshaada oo dhan yay noqon raaxo. Isu
dheellitir. Waxa aan ku idhi: maxaa xiga? Waxa uu yidhi: arrinta u dambaysaa
waa: naftaada u horumari si joogto ah. Waxa aan ku idhi: waad mahadsan tahay,
safar dhexdii ayaad noloshayda ku beddeshaye.”’
Post a Comment