Qaacidada
5-ta saacadood ee dahabiga ah
Maxay tahay qaacidada shanta saacadood ee dahabiga ah
ee ay dhaqan geliyaan inta badan dadka guulaysta?
Dad badani waxa ay u maleeyaan in dadka guulaystaa ay
haystaan awoodo mucjiso ah oo aanay dadka la wadaagin, balse, taasi sax ma aha,
waxa ay leeyihiin caadooyin iyo dhaqanno u suurogeliyay in ay gaadhaan meesha
ay joogaan. Halka dadka badankoodu ay Telefishinka hor fadhiyaan saacado badan
oo maalinle ah, dadka hodanka ah iyo guud ahaan dadka guulaystaa, waxa ay caadadan
ku beddesheen caadooyin kale oo waxtar leh. Waxa uu ogaaday Thomas Corley, oo
qoray buugga Rich Habits, kaddib cilmibaadhis qaadatay shan sano, muddadaas
gudeheedana la waraystay wax ka badan 200 oo milyanneer; in aysan
hantiilayaashaasi daawannin Telefishin. Corley waxa uu sheegay in 86% iyaga
kamid ahi ay wax akhriyaan halkii ay Telefishin ka daawan lahaayeen. Waxa kale
oo uu tilmaamay in 63% iyaga kamid ihi ay dhegeystaan buugaagta duuban (Audio
books) marka ay safarrada galayaan.
Hoos u soo deg….
Aragtidan shanta saacadood iyo dadka
hodanka ah:
Michael Simmons oo ah co-founder-ka ururka Empact, ayaa ah ninka qaabeeyay qaacidada
“shanta saacadood” si faahfaahsanna waa uu u sharxay. Simmons waxa uu fikraddan
ka soo dhambashay siyaasigii iyo diblumaasigii Maraykanka ahaa ee Benjamin
Franklin, kaas oo si joogto ah ugu gaar yeeli jiray waqti uu wax ku barto, si
gaar ahna subaxdii. Waxa uu toosi jiray aroorta hore si uu wax u qoro waxna u
akhriyo, sidaas si lamid ahna xilligaas ayuu qoran jiray hawlmaalmeedkiisa (To
do list).
Qaacidadani si kooban waxa
ay tilmaamaysaa in 5 saacadood
isbuucii lagu qaato akhrinta iyo barashada wax cusub. Si kale haddaan u dhahno
waxa ay leedahay waa in aad si maalinle ah ugu gaar yeeshaa hal saacad akhrinta
iyo barashada wax cusub oo waxtar leh hadda ama yeelan kara mustaqbalka.
Saacaddaasi waxa ay noqon kartaa gelinka hore ama gelinka dambe, ama saacad
badhkeed oo gelinka hore ah iyo saacad badhkeed oo gelinka dambe ah.
Saddex dhinac
ayaan ka istaagaynnaa qaacidadan:
Dad badan oo nolosha
dhinacyo badan ku guulaystay waxa ay raacaan qaacidadan iyaga oo ku fulinaya
saddex arrimood oo aas-aasi ah:
1. Akhriska:
- Milyanneerrada waaweyni
wax ay akhriyaan maalinkii inta u dhaxaysa saacad ilaa saddex saacadood, sida
Mark Cuban iyo Daniel Gilbert.
- Bilyanneerka weyn ee Elon Musk waxa ay wax akhrintu
bartay sida loo sameeyo gantaallada, taasina waa ta marka dambe gaadhsiisay in
uu aas-aaso shirkadda SpaceX.
- Warren Buffet oo kamid ah xilligan 10-ka qof ee ugu
hantida badan adduunku, waxa uu maalintii 5 saacadood ku qaataa akhrinta
jaraa’idadda iyo warbixinnada dhaqaale. Halka dhanka kale uu Bill Gates
sannadkii akhriyo qiyaastii 50 buug.
Marar badan ayaad arkaysaa raggaas bilyanneerrada ah oo
dadka kula talinaya in ay wax akhriyaan, wax akhriskuna waa sirta ka dambaysa
halka ay gaadheen.
2. Fekerid:
Qaacidadani waxa ay keensanaysaa sidoo kale in qofku
sameeyo fiir-fiirin iyo fekerid. Waxa ay leedahay waqtiyada aad firaaqada tahay
ee aadan waxba qabanayn ka feker noloshaada, tagtadii, taaganta iyo
timaaddadaba. Qor oo diiwaangeli fikradaha iyo waxyaalaha kugu soo dhacaya.
Maamulaha shirkadda AOL Tim Armstrong, waxa uu shaqaalihiisa faraa in ay isbuucii
4 saacadood ku qaataan fekerid. Sidaas si lamid ah madaxa LinkedIn, waxa uu 2
saacadood fadhiistaa meel goonni ah, si uu isu muraajaceeyo, naftiisana ugu
sameeyo humaag-celin.
3. Tijaabo:
Buugaagtii aad akhrinaysay ama dhegeysanaysay waxa aad
kala soo dhex-baxday fikrado. Waxa aad fikrad fiican ka haysataa qaabkii aad naftaada
iyo ganacsigaagaba u horumarin lahayd, sidaas awgeed hadda waa waqtigii aad
aragtiyahaas u beddeli dhaqan aad samayso kuna hirgeliso noloshaada.
Ogsoonow fikradda aad heshay wax macno ah ma samaynayso
haddii aadan ficil u beddelin. Waxyaalaha innagu hareeraysani bilawgoodii waxa
ay ahaayeen fikrado, kaddib ayaa loo beddelay waaqac la taaban karo.
Haddii aad naftaada barto in ay dabbaqdo qaacidadan
noloshaada isbeddel ayaad ka arki doontaa Alle idankii.
WQ:
Cabdikariin Maxye
Mahadsanid Ustaad.
ReplyDeleteMudnid ustaad.
DeletePost a Comment