Maalgashiga Nafta
Waxa aynu
maqalnaa noocyo kala duwan oo maalgashiyo ah sida; maalgashiga beeraha,
maalgashiga guryaha iyo maalgashiga dhulka. Waxaa laga yaabaa in aad la yaabtay
marka aad maqashay maalgashiga nafta. Naftu waa sida deegaan hodan ah oo carrosan
ah. Haddii aad maalgashato oo aad ku beerato midho aad si xeeldheeri ku jirto u
xulatay, waxa aad la amakaagi doontaa midhaha aad ka guran doonto. Sideedaba
maalgashiga naftu kuma yimaaddo khasab iyo qoorqabad, waa go’aan iyo rabitaan
gudaha ka yimaaddda.
Hadddii aad u malaynayso dadka badan ee
guulaha ka xaqiijiyay dhinacyada kala duwan ee nolosha, in ay si kedis iyo
lamafilaan ah ku gaadheen, waad ku khaldan tahay aragtidaas. Nolosha ma jirto
wax bilaash ah. Wax qiima leh haddaad rabto waa in aad bixisaa wax qiima leh.
Edison markii la weydiiyay cabqariyadda, waxa uu ku tilmaamay: in caqbqariyaddu
boqolkiiba hal (1%) ay tahay ilhaamin, 99% kalana ay tahay dhidid iyo halgan. “Ma
jirto qado bilaash ah” sida ay dhaqaalayahannadu yidhaahdaan.
Qofka
doonaya in uu naftiisa maalgashto waa qof raba in uu isbeddelo, qofka
rabitaankaas iyo dadaal la yimaaddana Alle ma dayici doono.
Isbeddelka ugu weyni waa in aan wax ka
beddelno qaabfekerkeenna iyo aragtida aan nolosha ka haysanno. Waa in aan
ogsoonaanaa in xidhiidh qotodheeri ka dhexeeyo fekerka, ficilka iyo
natiijada. Si aanu maalgashiga naftu u noqon wax laga gaadhi waayo
ujeeddooyinkii laga lahaa, aan raacno talooyinkan intii aan ka awoodno.
1. Maalin
kasta cusboonaysii xidhiidhka aad Alle la leedahay. Ilaali waajibaadyada kala
duwan ee uu Alle ku faray. Quraanka maalin wallba wax ka akhri hadday doonto
haba yaraatee. Yeelo wardi joogto ah. Maalgashi ka weyn ma jiro in qofku uu
qabto camalkii uu Naarna kaga babdbaadi lahaa Jannana geyn lahaa.
2. Maalin
kasta wax ka akhri buug faa’iido leh. Akhrisku waxa uu nolosheenna u furaa
irrrido aan si kale iyo sabab kale toona u furmeen. Sidaas darteed, yaanay ku
soo marin maalin/isbuuc aadan waxba akhrin.
3. Bil
kasta isku day in aad ka qayb gasho siminnaar ama muxaadaro. Suurtagal ma aha/way
adag tahay in aad bil walba siminnaar baahiyahaaga daboolaya in aad hesho,
balse intarnetka ayaa wax walba fududeeyay oo aad ka helaysaa mawduuc walba
isaga oo diyaarsan bilaashan ah. Ka faa’iidayso.
4. Bil
kasta ama labadii bilood ee kasta isku day in aad koorso cusub barato. Mar
kasta oo ay badanyihiin shabagyada aad ku soo kalluumaysan karto waa mar kasta
oo ay kordhayso baahida laguu qabayaa.
5. Baro dad
tayo leh lana samayso xidhiidho midha-dhala. Hal xidhiidh ayaa laga yaabaa in
uu noloshaada u beddelo dhanka togan. Ogsoonow in aynu joogno caalamka
xidhiidhada, xidhiidhada togan ee tayada lihina ay ka qiima badanyihiin hanta.
Waxa ay dhahaaan:
your network is your net worth.
Taas oo macneheedu yahay: shabakadda iyo
cilaaqaadka aad leedahay waa hantidaada saafiga ah. Awoodda iyo saamaynta aad
yeelan karto waxaa door weyn ka qaadan kara saaxiibbo tayo iyo qiima leh.
6.
Maalgasho waqtigaaga iyo si guud dhallinyarannimadaada. Qabo inta aad yartahay
waxa ugu fiican ee aad qaban karto. Haddii ay ku soo marto maalin ama isbuuc
aadan wax cusubb korodhsan naftaada canaano, go’aansana in aysan mar dambe
dhicin. Ogsoonow inta aad adigu
waqtigaaga luminayso in ay jiraan dadyaw kale oo isla waqtigan ka
faa’iidaysanaya. Arrintu ma aha waqtigu ma soconayaa? Waxaa taas ka sii
muhiimsan su’aasha ah: waqtigaygu wax noocee ah ayuu ku baxayaa?
Ragse
laqan fariiduu noqdaa, amase waa liide
-Dhoodaan
WQ:
Cabdikariin Maxye
Post a Comment