Labaatan
Jir iyo Legdanka Nolosha
Baro
Naftaada
“Nin labaatan buuxsaday adduun waa
legdamayaane”
-
Salaan Maxamed Xirsi (Salaan Carrabey)
Tubta nolosha loo sii mariyo, toorahaan
damacnay
Tugtug rooni ma ahee Alloow, noogu tali
guusha
-Dhoodaaa
وَفِىٓ أَنفُسِكُمْ ۚ أَفَلَا تُبْصِرُونَ – الذاريات :24
Ii
oggolow in aan hal su’aal ku weydiiyo. Ma ku weydiin karaa? … naftaada si sax
ah ma u taqaannaa?...
Xilliyadii hore la isma weydiin jirin sidee ayaan
naftayda u bartaa? Sababta oo ah noloshu uma aanay kakanayn sida ay maanta
tahay. Dunidu xilligan waa tartan, qofkii ka hadhaana uu gebi ahaanba nolosha ka hadhay.
Barashada naftu waa ay ka adag tahay waxyaalo badan oo
la barto. Maxaa yeelay, nafta waxyaalaha qarsoon ee ku sugan ayaa ka badan inta
muuqata. Si aynu u baranno nafteenna waxa aynu u baahannahay in aan la
keliyoonno, waqti badan siinno, wax kasta oo hor istaagaya in aan ka
mashquulnana, meel iska dhigno.
Suqraad ayaa wax laga weydiiyay farxadda iyo guusha,
waxa uuna ku jawaabay: “baro naftaada.”
In aynu nafeheenna baranno waxa ay inoo suurogelinaysaa
in aynu ogaanno dhinacyada aynu ku fiicannahay si aynu diiradda u saarno ugana
midhadhalinno, iyo in aynu ogaanno dhinacyada aynaan ku fiicnayn si uusan waqti
inoogaga lumin.
Insaanku marka uu naftiisa barto waxaa u suurtoobaysa
in uu wanaajiyo arrimihiisa adduun iyo kuwiisa aakhiraba. Barashada naftu waa
in qofka naftiisu isla naftiisa ay ogaal
u yeelato. “insaan ahaan uma noolaan karo, qofka aan natiisa weydiin
naftiisa.”-Aflaadoon
Barashada naftu waa natiijada ka dhalatay su’aal iyo
wax-isweydiin. Qofka raba in uu ka jawaabo waa in uu naftiisa weydiiyaa isla
naftiisa. Waa in uu naftiisa weydiiyaa: kuma ayaan ahay? Xaggeen ka imid?
Xaggeense ku dambaynayaa?
Insaanku haddii uu bilaabo in uu naftiisa barto, mar
kale ayuu naftiisa weydiinayaa: kuma ayaan ahay? Waxa uu ku jawaabayaa jawaabo
ay diidmo la socoto: anigu kan ma ihi, anigu kaas ma ihi, ugu dambaynna waxa uu
helayaa qofka uu yahay: anigu qofkan ayaan ahay!
Raadcaynta Nafta
Safarka uu qofku ugu jiro in uu naftiisa barto waa sida
qorshe loo dejiyay in la fuliyo. Insaanka waxa ay ka dhigaysaa sidii qof Xajinaya,
meesha uu booqanayaana ay tahay isla naftiisa. “aniga” marka aad tidhaahdo,
anigu waa ay badantahee tee ayaad u jeeddaa? Waxa jira dhawr “ani” oo
isbedbeddela: waxa jirta aniga aad jeceshahay iyo aniga aad neceb tahay. Aniga
deeqsiyadda ah iyo aniga xaasidadda ah ee aan cidna wax u quudhin. Naftu maxay
noqonaysaa marka loo eego anigada badhaxa la’? waa uun noole aan xumayn, aanna
wanaagsan, balse wanaaaggu asal u yahay. Malag aan ahayn, shaydaanna aan ahayn.
Waa noole aan gaadhayn bardhammaadka iyo figta arrin walba. Waxa uu leeyahay
tilmaamo wanaagsan oo ay badhxeen noocyo ceebo ahi, sidaas si lamid ah, waxa uu
leeyahay dhinacyo wanaagsan oo ay haleeleen dakharro aan fiicnayni. Marka warka
la soo koobo, waa noole dhexdhexaad ah oo aan dhammaystirnayn.
Barashada
nafta waxa jirta meel ay ka bilaabanto, balse ma jirto meel ay barashadeedu ku
dhammaato. Maxay tahay sababtu? Sababta oo ah, waa in ay naftu ka dhigan tahay
sida ceel gun dheer, oo aan salkiisa hoose halmar la wada gaadhi Karin.
Maalinba in cusub iyo dhinac cusub ayaynu nolosheenna ka barannaa. Sidaas ayay
arrini ku socon ilaa dhammaadka jidka.
Dad ayaa dhasha, kora, cabba oo cuna, sannado bandanna
noolaada, haddana ugu dambayn iyaga oo aan is helin ayay dunida
macasalaameeyaan. Qofku haddii uu si buuxdo ugu qanacsanyahay sida uu u
noolyahay ma raadin karo waxa ka maqan, sidaas awgeed, ma raadin karo naftiisa.
Dad badani socdaalka israadinta ayay isku soo helaan, sidaas darteed ayay ka
tagaan raad aan baaba’ayn.
Farsamooyin
Safarkaaga nafbarashadu waxa uu ugu dambayn ku
gaadhsiinayaa in aad iyada u barato sida xirfad.
Insaanka ka lib keena barashada naftiisu, waa in aan
siinno tilmaanta “insaan” oo macna weyn xambaarsan. Nafteenna in aynaan
si fiican u aqoon waxa ay keensataa in aynaan dhigin meeshi ku habboonayd.
Su’aasha ah sidee ayaan naftayda ku baran karaa waa
su’aal adag runtii. Qofku in uu naftiisa barto waxa ay kamid tahay nimcooyinka
ugu waaweyn ee uu Eebbe qof ugu deeqo. Qofku in uu isweydiiyo side ayaan
naftayda u baran karaa ayaaba ah tallaabo muhiim ah oo uu u qaaday dhanka
nafbarashada.
Tallaabooyinka nafbarashada:
1. In qofku u arko si soojeed leh waxa naftiisa ka
socda. Saddex tabo ayaa kuugu kaalmaynaya arrintan:
b. Qoraal. Qor wax kasta oo naftaada ka socda,
samaysid, kuna fekertid.
t. Tijaabo ulakac ah. In aan arrin sameeyo si aad
naftayda u tijaabiso.
j. In aad nafta uga dhaqan yeesho in ay isfiiriso
islana socoto. Waa in aad waqti gaar ah la qaadataa naftaada. Samee naf
muraajacayn joogto ah.
2. In aad weydiisato saaxiibbadaada dhabta ee daacadda
ah in ay muraayad kuu noqdaan.
3. Khibradda dheer. Khibradda dheer ee aad u yeelato
naftaadu waa tallaabo aad naftaada daaho uga qaadi karto cidda dhabta ah ee ay
tahay.
4. Joogtaynta taskiyaynta nafta iyo la xisaabtankeeda.
5. Dhaqangeli xeerkan SWOT Analysis:
S: Strengths: dhinacyada aad
ku fiican tahay.
W: Weaknesses; dhinacayada
aad ku liidato/ku hoosayso.
O: Opportunities; fursadaha
aad haysato.
T: Threats; caqabadaha ku
hor istaagi kara.
Marka aad ogaato dhinacyada aad ku fiican tahay,
dhinacyada aad ku hoosayso, fursadaha aad haysato iyo caqabadaha kaa hor iman
kara, waxaa kuu suurtoobayso in aad is-hesho, isna ogaato. Dhinacyada aad ku
fiican tahay kor u sii qaad oo xooji, dhinacyada aad ku liidatana kor isooga
soo qaad.Fursadaha aad haysato sida ugu wanaagsan uga faa’iidayso, caqabadahana
haddii aadan meesha ka saari Karin yaree.
Ugu dambayntii maxaad naftaada ka aamminsan tahay? Ma
aamminsan tahay in aad koonka dushiisa aad raadkaaga dhigi karto? “Ama aamminsanaw in aad wax samayn karto ama
ha aamminsanaanin, laba gooraaleba waad saxan tahay.” Hery Ford
“Qofku haddii aanu
daahfeydin wax gaadhsiin kara dartii in uu u dhinto isaga oo difaacaya,
qofkaasi ma mudna in uu noolaado.” –Marthin Luther
Naftu in ay maqnaatiyo in ay mahad ku
noolaato
Maawwelis weeyaan haddii mid u
dhexeeyaaye -Dhoodaan
WQ:
Cabdikariin Maxye
Post a Comment