Hal-abuuraha yaabka leh 'Elon Musk'
Waxa aynu maanta ka sheekayn doonnaa ninkan aanay Qaamuuskiisa ku jira kelmmada "mustaxiil". Waa nin wad waliba agtiisa suurtagal ka yihiin aamminsanna awoodaha uu Alle ugu deeqay. Waa Elon Musk ninkaasi. Elon Musk waxa uu ka tirsanyahay ragga ugu hantida badan adduunka. Waxa uu kaalmaha hore kaga jira labadii sano ee ugu dambeeyay dhawrka qof ee ugu hantida badan noolaha dhulka guudkiisa saaran oo idil. Elon waxa loo tixgeliyaa in uu u yahay tusaale weyn dadka ganacsatada ah ee garaadkooda iyo cabqariyaddooda uga faa'iidaysta in ay hanti kasbadaan, iyada oo ay taas u dheertahay in ay maalgashadaan mashaariic aqooneed oo ballaadhan sida: farsamooyinka sirdoonka macmalka ah, Gantaallada, dayax-gacmeedyada, injinneeriyadda casriga ah, iyo qaar kale.
Elon Musk waxa loo tixgeliyaa in uu yahay dadka ugu caansan dhanka Tiknoolojiyadda guud ahaan Caalamka, taas oo ku timid mashaariicda waaweyn ee uu bilaabay misana hirgeliyay.
Elon waxa uu ku dhashay Koonfur-Afrika sannadkii 1971-dii, iyada oo ay iska dhaleen Aabbe u dhashay Koonfur-Afrika, iyo Hooyo u dhalatay Maraykanka. Musk-gii yaraantiisii ahaa mid ku mamman oo jecel caalamka Kombuyuutarradu, waxa uu nashqadeeyay mid ka mid ah ciyaaraha Kombuyuutarrada lagu dheelo oo lagu magacaabo Bluster, waxa uuna ku sii iibiyay $500, markaasna da'diisu waxa ay ahayd 12 sano jir. Waxqabadkani waxa uu u ahaa bartii uu ka ambaqaadayay caalamkiisa ganacsiga iyo maalgashiga.
Elon Musk hadda waxa uu leeyahay shirkadaha Tesla oo ah shirkad samaysa baabuur koronto ku shaqaysa, iyo shirkadda SpaceX ee gantaallada xambaara dayax-gacmeedyada samaysa. Shirkaddan (SpaceX) xilligan la joogo qiimeheeda waxaa lagu qiyaasaa $20 Bilyan oo Doollar.
Noloshiisa Waxbarasho
----------------------
Elon Musk waxa uu waxbarashada heerka koowaad ka diyaariyay cilmiga Fiisigiska, sidaas oo kale, waxa uu digrii kale ka qaatay Dhaqaalaha. Musk ma uusan noqon qof u go'ay shaqo keliya, sidaas si la mid ah ma uu noqon nin waxbarasho oo keliya ku gaar noqday balse labadaba waa uu heshiisiiyay iskuna waday.
Musk waxa uu u guuray Kalifoorniya, si uu PhD uga diyaariyo Jaamacadda Stanford, balse laba maalmood kaddib soo gelitaankiisii ayuu Jaamacaddii ka tegey, sababta oo ah, waxa uu doorbiday in uu diiradda saaro oo ka shaqeeyo rumaynta riyadiisii taas oo ahayd in uu Hantiile noqdo.
Bilawgiisii Caalamka gacanacsiga
-------------------
Musk waxa uu iibsaday shirkadda X.com taas oo qabanaysay adeegyo maaliyadeed oo bangi. Shirkaddaas markii dambe waxaa magaceedii loo beddelay PayPal.
PayPal waxa ay muddo gaaban ku xaqiijisay guul weyn, waxa ayna heshay $250 Milyan kaddib markii 2002-dii PayPal laga iibiyay shirkadda caanka ah ee eBay.
Abaalmarinaha uu Helay Elon Musk
--------------------
Musk waxa uu helay abaalmarinno badan oo ay ka mid yihiin:
• Majallada Time waxa ay u dooratay 2010-kii in uu ka mid yahay 100-ka qof ee ugu muhiimsan ugu waxtarka badan Caalamka.
• Waxa uu helay Billadda FEA ee Dahabka ah.
• Waxa uu 2011-kii helay abaalmarin lacageed oo ah nus Malyuun doollar, waana abaalmarinta Heilein ee la siiyo dadka wax ku soo kordhiya qalab-adeegsiyada ganacsiyeed ee hawada sare.
• Waxa uu qaatay Diktoora sharafeed xagga nashqadaynta, iyo darajo kale oo ah injinneeriyadda hawada sare.
Maxaan ka faa'iidaynnaa sheekada Elon?
- Waxa aan ka faa'iidaynnaa in haddii qofka Aadamaha ahi uu maskaxdiisa iyo awoodaha Alle siiyay uga faa'iidaysto si togan uu adduunka ku reebi karo raadkiisa, casharro lama'illaawaan ahna dhigi karo!
- Waxa kale oo aan ka faa'iidaynnaa in noloshu aysan ahayn in lacag oo keli ah loo noolaado, ama taas caksigeeda waxbarasho keliya loo halgamo ilaa dhammaadka safarka, balse ay tahay in la heshiisiiyo, shay kastana xaqiisa la siiyo.
Post a Comment