Waxa uu dhashay 1354 Hijriyada. Carruurnimadiisii waxa uu raaci jiray adhi aabbihii lahaa. Duruufta jirtay xilligaa awgood waxbarashadu uma aysan faafin sida maanta. Waxa uu galay malcaamad ku taallay tuuladii uu ku noolaa, waxa uuna ka dhigtay Jus Camma iyo Jus Tabaarig, sida wax loo qoro iyo sida wax loo akhriyo.
Intaas ayuu ku joojiyay waxbarashadiisii, waxa uuna u safray si uu ugu biiro ciidanka sannadkii 1370 Hijriyada. Markii uu ku biiray ciidanka heerkiisa waxbarasho waxa uu ku ekaa dugsi hoose iyo labadii Jus ee Quraanka ahaa ee uu ku soo dhigtay tuuladiisii, balse naftiisu waxa ay ahayd mid hilow iyo hammuun u qabta in ay waxbarato, isaga oo ku jira shaqadiisii adkayd. Waxa uu gartay in qofku waxa uu doonayo uusan ku gaadhi Karin hawo iyo caaddifad kali ah, balse ay lagama maarmaan tahay sababihii lagu gaadhi lahaa iyo naf hurid. Waxa uu waalidkii u bandhigay rabitaankiisii dhabta ahaa kaas oo uu ku rabay in uu waxbarto, waxaana u muuqatay in uu Isku wado shaqadiisan adag ee askarinimada ah iyo in uu waxbarto. Iyada oo ay jirto shaqadan culus iyo doorashadiisan cusub Waxa ay ahayd dareen uu macaansanayay maxaa yeelay waa waddada kali ah ee uu ku xaqiijin karo yoolkiisa nololeed uuna ku gaadhi lahaa nolosha sarraysa ee uu ku taamayo.
1376 Hijriyada waxa uu saaxiibkeen qaatay go’aan geesinnimo leh kaas oo noloshiisa bog cusub oo taariikheed u furay, go’aankaas oo ahaa in uu askarinimada iska casilo iyo in uu u go’o waxbarasho.
Waxa uu u safray magaalada Shaqra, si uu ugu biiro macadka daraasaadka ee ku yaallay magaaladaas.
Macadkii waa uu dhammeeyay isaga oo kaga baxay dhibco aad u sarreeya. Kadib waxa uu ku biiray kulliyadda shareecada ee jaamacadda Riyaadh sannadkii 1382 hijriyada.
Fursaduhu waxa ay raadiyaan had iyo jeer oo doontaan cidda mudan ee u diyaar garowdo marka hore’e waxaa loo doortay in uu wax ka dhigo macadka daraasaadka ee Abaha, isaga oo ku jira sannadkiisii labaad ee jaamacadda. Waxa uu isku waday in uu dhanna wax ka dhigto dhanna dadka wax uga dhigo.
Markii uu qaatay shahaadadii koowaad ee jaamacadda Riyaadh waxa uu jeclaystay in uu sii wato waxbarashadiisii sare, waxa uu u wareegay Masar, waxa uuna ku biiray jaamacadda Az-har, waxa uuna ka soo qaatay Master iyo Digtoora (PHD). Waxa uu ku soo laabtay waddankiisii hooyo sannadku markuu ahaa 1393 hijriyada kadib markii uu xaqiijiyay hadafkiisii oo uu badaha aqoonta dhex muquuray.
Waxa uu qoray kutub toban ka badan, waxa uuna ka qayb galay fagaarayaal aqooneed oo gudaha iyo dibaddaba ah.
Askari isaga oo 22 jir ah bilaabay in uu xaqiijyo hadafkiisa iyada oo aysan joojin duruufihii tirada badnaa ee ku hareeraysnaa, isaga oo aamminay naftiisa iyo in uu wax qabsan karo.
Waxa uu ka fogaaday qoyskiisii, waxa uu la kulmay dhibaatooyin dhaqaale, iyada oo ay arrimahaasi ku kulmeen oo uu nolosha ka bilaabay meel hoose illaa uu ka qaato Digtoora!
Qofka aan ka sheekaynayo waa Dr. Zaahir Bin Ciwaadh Al-Almaci.
Ugu dambayn waxa aan rajaynayaa in sheekada ninkan cajabta badani in qaybdhalinyarada ka mid ah oo quustay ay ka helaan guubaabin oo aysan duruufaha u xidh-xidhnaan si kastoo ay u badanyihiin.
Kitaabka: هكذا هزمو اليأس
Turjumidda: Cabdikariin Maxye
Post a Comment