Header AD

Ahmiyadda Ay Leedahay Yeelashada Hadaf-nololeed

 

20 JIR IYO LEGDANKA NOLOSHA




AHMIYADDA AY LEEDAHAY YEELASHADA HADAF-NOLOLEED

 

Nin labaatan buuxsaday adduun waa legdamayaane” – Salaan Carrabey

 

Naftu in ay maqnaatiyo in ay mahad ku noolaato

Maaweelis weeyaan haddii mid u dhexeeyaaye” – Dhoodaan

 

Rabbi waxa uu ina leeyahay: ma waxa aad u malaynaysaa in aanu ciyaar-ciyaar idiin abuurnay oo aydaan xaggayaga u soo noqonayn? Mu’minuun: 115.

Nolosha qofku waa inta u dhaxaysa dhalashadiisa iyo dhimashadiisa. Inta labadaas u dhaxaysa ayay dad badan taariikhda ku galaan, lana sheeg-sheegi doono muddo dheer oo ka dambaysa geeridooda. Halka qaar kalena in ay dunidaba yimaaddeen oo dad jira ahaayeen laga shakiyi doono. Bal u fiirso Imaamu Nawaawi waxa uu noolaa intii u dhaxaysay (631-676 H/1233-1277M) waa 45 sannadood iyo dhaxal aanu jirin wax u dhigma oo uu ka tegey. Bal eeg inta uu cimrigiisu le’ekaa iyo weynida dhaxalka uu ka tegey. Dhanka kale milicso sooyaalka Imaamu Qazaali (450-505H/1058-1111M) iyo waxa uu ka tegey.

  Cilmibaadhis ay samaysay Jaamacadda Yale oo ku taalla Maraynkanka sannadkii 1953-dii, ayaa ardayda lagu weydiinayay cidda leh hadafyo mustaqbal oo qoran. Saamigalkii soo baxay waxa uu noqday in boqolkiiba (3%) ardayda kamid ah ay leeyihiin yoolal qoran. Intii soo hadhayna ma ay lahayn yoolal cad-cad. Qoladii cilmibaadhayaashu waxa ay sii wadeen dabagalkii ay ku samaynayeen ardaydaas. Labaatan sano ka dib ayay qoladii daraasadda waday dib ula xidhiidheen ardaydii ay gaadhi karayeen, waxaana u soo baxday:  in wixii guul ahaa ee ay gaadheen boqolkiiba-saddexdaasi(3%) ay u dhigmayso, inta ay gaadheen boqolkiiba-sagaashan-iyo-toddobada kale ee ardayda ah.

Nolol bilaa hadaf ahi waa sida haan bilaa saab ah. Sida ay u adag tahay/ aysan suurtagal u ahayn in la qaado haan bilaa saab ah, ayaysan suurtagal u ahayn in guul la taaban karo uu sameeyo qof aan nolosha wax yool ah ka lahayn. Qofku in uu hadaf yeesho waxa ay ku salaysantahay mabda’ odhanaya: ashyaa’da laba goor ayaa la sameeyaa. Ta koowaad waxa ay ku abuurmaan maskaxaheenna, innaga oo u yeelaynna sawir muuqda oo si fiican u faahfaahsan, kaas oo sheegaya wax kasta oo aynu rabno in aan gaadhno. Ta labaadna waxa ay ku abuurantaa waaqaca oo waa shayga muuqanaya ee la sameeyay dadaal iyo halgan ka dib. Waa sida injinneerka dhismaha, inta aan guriga la dhisin, waxa marka hore la diyaariyaa nashqaddii guriga.

   Nin Maraykanka u dhashay oo maamule ka ahaa shirkad, ayaa isu-imaatin ku saabsanaa habsami-socodka shirkadda, weydiiyay ka soo qaybgalayaashii su’aashan: waa tee meesha dhulka ugu hodansani? Mid ayaa ku jawaabay: waa waddamada Khaliijka oo hodan ku ah naaftada. Mid kale ayaa yidhi: Afrikada laga helo dheemmanta. Maamulihii ayaa hadalkii qaatay oo yidhi: maya e meesha dhulka ugu hodansani waa qubuuraha! Haa, waa qubuuraha. Sababta oo ah, malaayiin dad ah ayaa halkaas aaday “dhintay” iyaga oo xambaarsan fikrado wax-ku-ool ahaa, kuwaas oo aan iftiinka arag oo sidaas ku saqiiray.

 Markabka haddii aanay jirin jiho sax ah oo cayiman oo uu u socdaa, dhan kasta oo uu u jihaystaa waa meeshii uu u socday. Cimriga qofku maaddaama oo uu koobanyahay, suurtagal uma aha in uu xaqiijiyo tobannaan iyo boqollaal hadaf. Waa in ay jirtaa bar uu beegsanayo oo uu rabo in uu gaadho soona taabto. Marka aad samaysato hadaf-nololeed waxna waad ka go’aysaa waxna waad u go’aysaa. Marar badan waxa ay dantu kugu khasbaysaa in aad jarto ama yarayso xidhiidhka saaxiibbada qaar. Waxa aad ku khasbanaanaysaa in aad barato sida loo dhaho “maya” adiga oo madaxaaga kor u qaadaya qofna aan ku xadgudbayn. Yeelashada hadaf-nololeed waxaa lagamamaarmaan u ah doonis xooggan. Elon Musk-ga ay iska dhaleen hooyada Maraykanka ah iyo aabbaha South African-ku waxa uu awood u yeeshay in uu sameeyo wax ay awoodi kari waayeen dowlado waaweyn sida Ruushka iyo Maraykanku. Waxa uu sameeyay gantaalaha qaada dayax-gacmeedyada. Sidaas si lamid ahna, waxa u suurtogashay in gantaalkii booskiisii hore dib loogu celiyay marar kalena la adeegsado. Waxa uu sameeyay baabuur ku shaqeeya koronto oo aan horay taariikhda uga dhicin.

    Maaddaama oo la yidhaahdo noloshuba waa wadar go’aanno ah oo la isu geeyay, waxa aynu u baahannahay in aynu isweydiiso su’aalo. Horta maxaan rabaa? Maxay ayaanan rabin? Waxa aan rabo maxaan u rabaa? Halkee ayaan joogaa? Halkeese ayaan u socdaa? Waddadee ayay tahay in aan qaado si aan u gaadho halka aan rabo?

Koox rag ah oo nolosha adduunyo guulo ka gaadhay ayaa xilli xilliyada kamid ah ku kulmay Chicago, si ay uga wada sheekaystaan tajribooyinkii noloshooda. Dhammaan raggaasi waxa ay ahaayeen milyanneerro. Dhammaantood socdaalkooda hanti samaynta waxa ay ka soo bilaabeen sagxadda. Intii ay lafagurayeen sababaha guushooda ka dambaysay, waxa hadlay ninkii ugu xikmadda badnaa, waxa uuna yidhi: “guushu waa yoolal, inta soo hadhayna waa faahfaahin.” Ka dib markii cabbaar la aammusay, raggii kale ee goobta fadhiyay madaxa ayay u ruxeen hadalkaas, taas oo caddayn u ah in ay ku raaceen hadalkiisa.

  Meel ma gaadhi karno haddii aanay jirin wax inoo xaddidan oo aan nolosha ka rabnaa, haddaba raac talooyinkan si aad u xaddido yoolashaada nololeed.

7 farsamo oo aad ku xaddidi karto yoolkaaga:

1. hadafkaagu waa in uu noqdaa mid cayiman (specific), qoran yahay oo aadan isku hallayn maskaxdaada, cad yahay oo aanu mugdi ku jirin. Yool aan qornayn uma suubbado in aan yool ku sheegno. Waa uun riyo-maalmeed. Yoolkaagu yaanu noqon mid madmadow ku jiro oo kor-ka-xaadis ah, sida in aad dhahdo waxa aan rabaa in aan hanti badan yeesho.

2. Yoolkaagu waa in uu noqdaa mid la qiyaasi karo (measurable). In aad yeelato hanti door ah ma aha yool la qiyaasi karo, balse waa in aad qorshaysaa qaddar cayiman oo aad rabto in aad muddo gudeheed ku xaqiijiso.

3. Yoolashu waa in ay noqdaan kuwo leh waqti cayiman oo la rabo in lagu xaqiijiyo inta lagu gudo jiro waqtigaas  (time-bound). Waa in aysan noqon wax iska hortaa bannaan ah. Waa in ay leeyihiin xilli ay ku bilaabmayaan iyo xilli ay ku dhammaanayaan.

4. Yoolashaadu waa in ay abuurayaan loollan gelin iyo taxaddi. Waa in aysan noqon wax yar oo aad u fudud, dhanka kale waa in aysan noqon wax adag oo aan la xaqiijin Karin (achievable). Waa in yoolkaagu kugu khasbayaa oo keensanayaa bixinta dadaal badan.

5. Waa in yoolashaadu noqdaan kuwo waafaqsan qiyamtaada. Yoolashaada iyo qiyamtaadu yaanay noqon kuwo iska hor imanaya. Adiga oo Muslin ah ka warran haddii aad yool ka dhigato in aad khamriga ka ganacsato ama lacag ka samayso?! …..

6. Yoolashaadu waa in ay noqdaan kuwo isu dheellitiraya xirfadahaaga shaqo, noloshaada maaliyadeed, qoyskaaga, caafimaadkaaga iyo ruuxaaniyaadkaagaba. Mid kasta oo xaq leh sii xaqiisa.

7. Waa in ay jirto yool weyn oo kamadambays ah misana cad oo aad nolosha ka leedahay. Garo farriinta aad rabto in aad u noolaato, darteedna haddii ay lamahuraan noqoto aad u god geli karto! Qodobkani waa midka ay farcamayaan kuwa kale, waa xididka, inta kalena waa laamaha.

Tubta nolosha loo sii mariyo, toorahaan damacnay

Tugtug rooni ma aha ee Alloow, noogu tali guusha.

-Dhoodaan

Waa aynu soo xaddidnay waxa aynu rabno, haddaba waxa aynu u baahannahay qaabkii aynu ku xaqiijin lahayn shayga/ashyaa’da aynu rabno in aan ka guul gaadhno. Tallaabooyinkani waa kuwo innaga caawinaya in aan ka dhabaynno yoolasheenna.

8 tallaabo oo aad ku xaqiijin karto yool kasta oo aad leedahay:

Kuwani waa tallaabooyin aad waafajin karto yoolkaaga, xaaladdaada iyo baahiyahaaga gaarka ah.

1. Waa in aad leedahay rabitaan: maxaad si dhab ah u rabtaa? Waa in ay jirtaa rabitaan xooggan oo aad u hayso xaqiijinta yoolkaaga. Isweydii: maxaad si qalbiyan ah u rabtaa? Haddii ay suurtagal kuu noqon lahayd in aad hal yool dunida ka xaqiijiso, oo laguu dammaanad qaado in aad ku guulaysanayso hadafkaas, muxuu noqon lahaa yoolkaasi?       Markii hore waad soo qortay soona xaddiday waxa aad rabtay, tani waxa ay kaa caawinaysaa in aad toosh weyn oo saddex-dhagax ah ku sii ifiso. Hadda way kuu sii caddahay bartii aad fallaadha ku gani lahayd.

2. Waa in aad aammintaa in aad yoolkaaga gaadhi karto. Caqabadda ugu weyn ee qof soo food saari karta ma aha mid kaga imaanaysa bannaanka/ dadka kale, ee waa ta gudihiisa kaga imaanaysa. Waa in aad aammintaa in aad xaq u leedahay in aad xaqiijiso yoolkaaga. Dhammaan dadka wax uun muuqda nolosha ka sameeyay hal mid ayay ka sinnaayeen, taas oo ah in ay aammineen in ay shaygaas xaqiijin karaan.

3. Hadafyadaada ka dhig mid qaybo-qaybo ah. Tusaale ahaan: isweydii shanta sano ee soo socda halkee ayaan rabaa in aan gaadho? Marka aad sidaa sameeyo, isweydii: sannadkan maxaan qaban karaa? Naftaada been ha u sheegin, xulo waxyaalo aad sannad gudihii ku qaban karto. Taas waxa aad ku xejisaa, sannadka badnida bilihiisu yaanay ku dagin e, qorshee saddexda bilood ee soo socota waxa aad qaban karto. Marka aad halkaa marayso warku waa kuu cad yahay saw maaha? Haddaba daadejin ku same qorshayaashaada, oo samee qorshe todobaadle ah, todabaadka dhammaadkiisana iskula xisaabtan wixii aad qabatay. Lahaw qorshe sannadle ah, mid bille ah, mid isbuucle ah iyo mid maalinle ah intaba, kuwaas oo qoran.

Halkaa ka sii wad...

4. Xaddid halka aad ka bilaabayso. Waa in aad taqaannaa meesha ay noloshaadu taagantahay hadda. Fiiri meesha aad joogto dhanka dhaqaale, waxbarasho, qoys, wacyi, dad-la-dhaqan iyo diinba. Marka aad qiimaynayso meesha aad markaas taagan tahay run ka sheeg naftaada oo run u sheeg naftaada. Waa adiga iyo iyada keliya. Mustaqbalkaaga adiga ayaa iska leh, sidaas darteed, cid aan Alle ahayn ha ku raalli gelin.

5.  Deji xilli kamadambays ah. Marka aad u samayso xilli kamadambays ah oo aad arrin ku qabato, waxa ay u badan tahay haddii aadan xilligii ku dhammayn, in aad kalabadh dhammaynayso ama ka badan, inta soo hadhayna xilli dambe ayaad ku qaban doontaa.

6. Xaddid caqabadaha waddada kuu istaagi kara. Ogsoonow caqabadaha idin kala hor taagan adiga iyo hadafkaaga. Maxaad weli u gaadhi weyde hadafkaaga? Maxaa ku dib dhigay? Maxay se tahay caqabadda ugu weyn ee kugu gudbani?  Isku day in aad ku dhaqangeliso qaacidada 80/20 caqabadaha: inta badan 80% sababaha kaa hor istaaga in aad gaadho hadafkaagu waa kuwo gudaha ah. Keliya 20% kamid ah caqabadaha ayaa ah xaalado bannaanka ah iyo dad kale. Caqabadahaas sidii aad uga tallaabi lahayd halgankeeda gal.

7.  Xaddid aqoonta iyo xirfadaha dheeriga ah ee aad u baahan tahay. Tallaabadan waa in aad cayintaa wax kasta oo aad u baahan tahay si aad u xaqiijiso yoolkaaga.

8.  Dhaqangeli qaacidada Eisenhower Matrix. Hawlahaaga u kala qaad afartan:

b. Degdeg muhiim ah, hadda same (do it now).

t. Degdeg aan muhiim ahayn, u same jadwal aad ku qabato.

j. Muhiim aan ahayn, balse degdeg ah, cid kale u wakiilo si ay u qabato (delegate).

x. Degdegna aan ahayn, muhiimna aan ahay, iska taatir meeshana ka saar (delete).

 

- “in la xaddido yoolashu waa tallaabada koowaad ee wax aan la arki karayn markii hore loogu beddeli karo wax la arki karo, taasina waa sirta ka dambaysa guul kasta oo nolosha la gaadho.” –Tony Robbins



                    WQ: Cabdikariin Maxye

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Post ADS 1

Breaking Posts

Post ADS 2