“Xeerka koowaad ee guushu waa diirad-saaryada. In aad u weeciso awoodahaaga oo dhan hal dhinac, in aad u jihaysato halkaas dhinac, adiga oo aan milicsanayn midig iyo bidix toona.” – William Mathews
“ABCDE” Fanka Kala Horraysiinta Hawlaha
Mar kasta
oo aad fikir geliso qorshaynta iyo dejinta hawluhu sida ay u kala horraynayaan,
ka hor inta aadan bilaabin, waa mar kasta oo ay muhiimad badan yeelanayaan
hawlaha aad qaban doontid, iyo in aad si dhakhso ah u qabatid isla jeerka aad
bilawdid.
Habka ABCDE
waa farsamo awood iyo waxtar leh marka la dejinayo hawluhu sida ay u kala
mudanyihiin, si maalinle ah ayaadna u adeegsan kartaa. Farsamadani waa mid
fudud kaana dhigaysa mid saamayn ku leh bulshadiisa iyo majaalkiisaba.
Farsamadani
sidan ayay u shaqaysaa. Waxa aad ku bilaabaysaa liis ka kooban wax kasta oo aad
rabto in aad qabato maalinnimada soo food leh.
Ku dul
feker warqadda. Ka dib waxa aad ka kala dhigtaa liiskii aad qortay A,B,C,D,E ka
hor inta aadan bilaabin shaqada ugu horraysa.
A- Waxa lagu qeexaa in ay tahay shayga
ugu muhiimsan, shay ay khasab tahay in aad samayso. Tani waa shaqada kuu
yeelaysa saamaynta dhabta ah ee togan ama taban haddii aad samayso ama aad ku
guuldarraysato in aad samayso. Haddii ay kuu yaallaan wax ka badan hal shaqo oo
galaya khaanadda A, waxa aad mudnaanta u kala siin kartaa shaqooyinkan adiga oo
qoraya “A-1”, “A-2”, “A-3” iyo si lamid ah, kuna hor qoraya shay kasta
hortiisa. Shaqadaada A-1 waa ta kuugu weyn, kuuguna muhiimsan.
B- Hawlaha ku jira khaanadda B waxaa
lagu qeexaa in ay yihiin shaqo ay khasab tahay in aad samayso. Balse waxa ay
leedahay natiijooyin dhexdhexaad ah. Shaqooyinka ku jira khaanadda B way ka
mudnaan yaryihiin kuwii A. qaacidadu waxa ay tahay waa in aadan qaban
shaqooyinka B adiga oo aan dhammayn shaqooyinkii A-da ahaa.
C- Shaqooyinka khaanadda C waxaa lagu
qeexaa shaqooyin ay iska fiicnaan lahayd in la sameeyo balse aan gebi ahaanba
lahayn wax saamayn ah, haddii aad qabato iyo haddii aadan qaban labadaba.
D- Shaqooyinka khaanadda D waxaa lagu
tilmaamaa in ay yihiin waxyaalaha aad u wakiilan karto cid kale. Xeerku waxa uu
yahay waa in aad u wakiilato shaqo kasta oo uu qof kale kuugu qaban karo sidii
aad rabtay, kalsoonina aad ku qabto qofkaas. Markaa kaddib waxa aad waqti
dheeri ah u heli doontaa shaqooyinkii ku jiray khaanadda A, kuwaas oo aad adiga
oo keli ah qabsan karaysay.
E- Hawlaha E waxaa lagu qeexaa in ay
yihiin waxyaalo aad tirtiri karto gebi ahaanba, aanna yeelanayn wax isbeddel ah
oo taban ama togan. Ogow haddii aad waqti badan iskaga lumiso shaqooyinka E
waxa aad lumisay shaqooyin mudnaan lahaa oo ku jiray khaanadda A, kuwaas oo
noloshaada isbeddel weyn ku keeni lahaa.
Maaddaama
oo aad shaqooyinkaagii ku dabbaqday qaacidada ABCDE, waxa aad noqonaysaa qof
abaabulan oo aan isku dhex daadsanayn, una diyaar ah in uu qabto shaqooyin aad
muhiim ah saamayntoodana leh. In aad xeerkan ku taagnaato waa midda kaa
dhigaysa qof ka duwan badiba dadka ku hareeraysan.
Post a Comment